lördag 29 mars 2014


WAA RA'YI AN KU DARSADAY DOOD UU YUSUF GARAAD KA QEYB GALAYAY OO UDUB DHEXAADKEEDU AHAA: "Soomaalidu ma isku tashan kartaa? Oo inta ay iyadu dhexdeeda ka heshiiso wax ma wada qabsan kartaa?"  SIDA AN KASOO XIGTAY MAREEGTA YUSUF. 

HAA, Soomaalidu waa isku filantahay oo isku tashan kartaa. Sida ad qabto si la mid ahna haddii aanay Soomaali heshiin karin shisheeye iskuma qasbi karo ayaan qabaa. Se marka runta laga hadlo ma sahlano inaan heshiino Soomaali ahaan wa'ayo heshiis dhab ahi waxa uu iman karaa uun kadib tanaasulaad badan markii ay sameeyaan bulshooyinka Soomaaliyeed qaarkood ama gabi ahaantoodba. Tusaale ahaan waxa jira gobolo Soomaaliyeed oo nabdoon, nabdoonaana illaa iyo dhawr iyo tobankii sano ee u dambeeyay. Goboladaas waxa ka jira maamulo wax fiican ka qabtay nabada adkaynteeda iyo adeegyada bulshada, kuna tallaabsaday horumar la taaban karo marar badan. Dadka goboladaasi nabdoon degani ma rabaan inay ku khamaaraan xasiloonidooda iyo waxa ay dhisteen in laga burburiyo taas awgeed kuma dhiiran karaan inay si dhamaystiran isugu dhiibaan dowlada federaalka ah ee Muqdisho maanta ka jirta. Laakiin waxa la arki inay ku dhici lahaayeen inay isu dhiibaan oo isu xoolo darsadaan dowladaasi Soomaaliyeed haddii hogaanka dowlada ee maanta jiraayi uu samayn lahaa tanaasulaad. Caasimada oo Garowe ama Bosaaso loo raraayi waxay suuro galin kartaa in halkaas ay ka abuuranto dowlad awood badan oo Soomaaliyeed. Hogaanka Puntland oo lagu casuumo ka qeybgalka hogaaminta dowlada federaalka ahi waa tallaabo suuro galin karta in maamul goboleedka Puntland uu toos u hoos tago dowlada federaalka ah.

Maxaa qasab ka dhigay in Soomaaliya ay ka bilaabanto kuna dhamaato Muqdisho. Intaas oo goor ayaa la isku dayay inay dowlad Soomaaliyeed ka hanaqaado Xamar laguma se guulaysan. Goormaan qaladkaasi wax ka baran doonnaa? Goormaan ka waantoobaynaa inaan ku adkaysano waajibnimada ah in Xamar ay noqoto caasimada Soomaaliyeed. Miyaanay ka weynayn badbaadinta qaranku in Muqdisho caasimad noqoto? Miyaanay ka weynayn badbaadinta qaranka iyo magaca Soomaaliyeed in hal beel uuni madaxweyne noqoto? Maxaa diidaya in Cabdiweli Gaas ama Axmad Maxamad Maxamuud Siilaanyo uu madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliyeed noqdo tiiyoo la eegayo sidii loo soo jiidan lahaa beelaha Soomaaliyeed oo dhan.

Rajo badan ayaa ii muuqata haddii Soomaaliya laga bilaabo Puntland amaba Somaliland, kadib markii laga dhaadhiciyo madaxda beesha Hawiye inay markan tanaasulaan; madaxda maamuladana inay taariikhda dib usoo noolaynta qaranka Soomaaliyeed baal dahab ah ka galaan. Ilama aha inaanay Puntland fikirkan soo dhawayn doonin – aad bay ugu riyaaqi lahaayeen baan filayaa. Hada la soco oo hay malaynin inaan u hiilinayo dad an isu beel nahay; anigu waxan ka soo jeedaa gobolada waqooyiga (Somaliland).

Kama an saarin meesha suurto galnimada in markii wadanku dowlada federaalka ah gacanta usoo wada galo oo nabad dhidibo adag ku taagan la helo in caasimada dib loogu raro Muqdisho ama meeshii kale ee la rabo.

Mahadsanid 
Hassan Deri 

http://yusuf-garaad.blogspot.se/2014/03/dood.html