tisdag 25 augusti 2020

PROFESSOR RIDWAN MOHAMED OSMAN OO DIB LOOGU SOO CESHAY XORRIYADDIISII

Professor Ridwan Mohamed Osman, oo ah aqoonyahan iyo cilmi baadhe madax bannaan, ayaa shalay oo Salaasa (11-08-2020) ahayd barqadii lagu xidhay saldhiga bariga ee Borame. Professor Ridwan ayaa ku sugnaa Somliland illaa iyo maalmihii ciidda oo laga joogo hadda labo toddobaad. Taliyaha Qaybta ayaa ka gaabsaday in uu ka faalloodo sababta xadhiga aqoonyahankan. Taliyuhu waxa uu ku gaabsaday in amar laga soo siisay xarunta taliska dhexe ee booliiska uu ku soo xidhay Ridwan. 
 
Kadib xidhiidh lala sameeyay taliska booliska ee dhexe ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Professor Ridwan Osman loo haysto xaalad-abuur iyo in uu ka soo qaatay Muqdisho qorshe qarandumin ah. Waa eedayn aan sal iyo raad lahayn. Bulshada gobollada galbeedka Somaliland ayaa si wayn uga damqatay xariga Professor Ridwan Osman. Waxa baraha bulshada saacado kooban gudohood isu gaadhay erayo lagu taageerayo sii daynta aqoonyahanka laguna cambaaraynayo cabudhinta fikirka iyo meel-ka-dhaca xorriyatul qowlka. Kumaan kun oo adeegsade ayaa barta sawirka barofayladooda saartay sawirka Ridwan Osman. Waxa aad loo fidiyay codadkii iyo muuqaalladii uu aqoonyahanku kaga hadlayay saamiqaybsiga iyo awoodqaybsiga Somaliland. 
 
Ugu dambayntii markii uu cuslaaday cadaadiska ka imanayay dhinaca bulshada ayaa la sii daayay maanta oo Arbaca ah duhurkii. Xarigan ayaa waxa uu ku soo beegmaya xilli uu Ridwan Osman taageeray halganka dhallinta gobollada galbeedka Somaliland ay ku doonayaan in ay ku hor istaagaan doorasho ka qabsoonta Golaha Wakiillada ka hor inta aan la sixin saammiga gobollada dalka. 
 
Waa wax lagu farxo in aqoonyahanka loo soo ceshay xorriyaddiisii. Waxa se taagan su’aal ay tahay muhiim in maamulka xidhay ka jawaabo: Muxuu ku waayay muwaadinkani xorriyaddiisii muddo 26 saacadood ah??!