lördag 3 oktober 2020

Ma Kaabnaa Guddida Farsamo ee Wada Hadallada Somaliland iyo Somalia?

Sawirka: Olivier Hoslet/AP/TT


Waxa mahad leh madaxwaynihii hore, Axmad Maxamad Maxamuud Siilaanyo oo sannadkii 2012 furay in wada hadal lala yeelan karo dowladda aan deriska nahay ee Somalia. Ka hor waqtigaas waxa reebannaa in lala yeesho wax kulan ama wada xaajood ah walaalaha koonfurta Somalia. Si uu u furo arrintan waxa uu madaxwaynuhu hor geeyay golaha baarlamaanka sharci jidaynaya in lala xaajoon karo Somalia oo ah dal ay wali wax badan isugu keen jiraan. Wuxu ahaa hindise wanaagsan oo soo dhawaynaya heshiis aan ka gaadhno arrimaha siyaasadeed ee innagala dhaxeeya walaalaha Somalia. Meelmarinta sharcigaasina waa kan salka u noqday dhammaan kullannada dhexmaray labada dowladood oo u dambeeyay kan ka qabsoomay Djibouti bishii 6aad ee sannadkan 2020. 

 

Tiro ahaan kullanno aan yarayn ayaa qabsoomay illaa markii la furay wada hadallada labada dowladood. Tiraba labo jeer ayay isu yimaaddeen madaxda ugu sarraysa ee dowladahani. Intaas kadibna waxa ay labada dhinacba magacaabaan guddi farsameedyo u badan wasiirro si ay u sii wadaan wada hadallada. Labada dalba waxa ku dhacay isbeddal xukuumadeed. Midna maanta kama taliso xukuumaddii ka talinaysay 2012 markii wada hadalladu bilowdeen, walow Somaliland xukunku gacanta ugu jiro wali xisbiga Kulmiye oo ah xisbigii soo saaray Madaxwayne Siilaanyo. Waxa suurogal ah in isbeddalkani uu keeno xasuus-lun. Xasuus-lunku sida caadiga ah waa dhibaato haysata nidaamka dowladnimo ee Somaliland. Wali waxan xoogaysanin qori-isku-dhiibka iyo haayadaha dowliga ah oon lahayn aasaas jirrideed oo xooggan. 

 

Si wada hadalladan ay uga soo baxaan natiijo wax ku ool ahi waxa lagama maarmaan ah in ay u socdaan si joogto ah oon kala go’ lahayn ama uu kala go’u ku yaryahay. Si taasi suurogal u noqoto waxa ay kallifayaan in guddiyadu yeeshaan xidhiidh joogto ah. Waa in ay u sahlanaataa labada dhinacba in ay warar kala qaataan toddobaad kasta ama waqtiyada qaar si maalinle ah. 

 

Wada hadallada hadda Djibouti ka furmay waa kuwo masiiri ah oo culayskooda leh. Waxa la gaadhay xilligii la rasmiyayn lahaa, loona jeexi lahaa jadwal muddaysan. Haddii kale waxa khatar badan ay ugu jiraan in ay noqdaan kuwo iska daba furan oo aan lahayn bar dhammaad. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee hoggaanka u ah wada hadalladan dhinaca Somaliland iyo wasiirrada kale ee xubnaha ka ah guddidu dabcan waa wasiirro u haya qaranka hawlo badan. Kama go’aan xubnahan intooda wasiirrada ah iyo inta aan ahaynba waqtiga iyo tabarta ay kallifayaan wada hadallada sidan u culus. Sidaas darteed waxa la gaadhay waqtigii aan arrinta tan u samaysan lahayn ergay gaar ah oo matala Somaliland kalsoonina ka haysta golayaasheenna dastuuriga ah iyo madaxwaynaha. Waxa la joogaa waqtigii aan u samayn lahayn ergaygaas haayad dowladeed oo gaar ah iyo shaqaale leh khibrado isku dhafan oo kala ah dhanka siyaasadda, dowladnimada, dhaqaalaha iyo culuumta sharciga. Haddii aan nidaamkan raacno waxa innoo ururi lahaa xoog, xeelad, aqoon iyo cudud aan ku waajahno walaalaha Soomaaliyeed ee koonfurta inta wada hadalladani socdaan. Somaliland waa ay leedahay aqoonyahan si hufan uga soo bixi kara shaqada tan, shacabkuna kalsooni u qabo. 

 

Soojeedintani ma ahin mid lala yaabo. Sidan si la mid ah waxa yeelay Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo kala guranaya kadib xidhiidh u dhaxeeyay illaa 1973. Midowga Yurub waxa uu u samaystay arrintan ergay gaar ah iyo haayad hoos timaadda Kommishanka midowga, halka ay Boqortooyada Ingiriisku uga samaysatay wasaarad gaar ah oo wasiir leh. Inta wax kala socota kala gurashada Midowga Yurub iyo Ingiriisku waxa ay fahmi karaan culayska ay leeyihiin wada hadallo dhab ah oo dhexmara Somalia iyo Somaliland. Labadeenan dal waxa uu caalamku laga soo bilaabo 1960kii u aqoonsanyahay hal dal. In aan kala guranno oo ah sida aan jecelnahay haddii aan nahay reer Somaliland ama si cusub isugu xooladarsanno waa shaqo u baahan maskax iyo karti hufi karta innagana miiri karta galdaloolooyinka laynaga soo gali karo. Runtii waa arrin aan la dhayalsan karin oo u baahan karti, akhris iyo aqoon durugsan. Waa boos dad buuxin kara aan leenahay haba innagu yaraadaan e. 

 

Ugu dambayntii waxan u soo jeedinaynaa goloyaasha qaranka ee ay khusayso iyo madaxwaynaha Somaliland in taladan ay hoos u fiirshaan, lana tixgaliyo matallaadda gobollada Somaliland sida kuwooda bari, dhexe iyo galbeed marka la dooranayo hoggaanka sare ee haayaddan. Haddii aan malaha waxyar la ciyaarno waxa ay ku wanaagsanaan lahayd haayad kommishan oo ka kooban labo kommishaneer iyo mid guddoonsha. Intaas waxa raaci lahaa shaqaale xirfad sare leh. 

 

 

Inga kommentarer:

Skicka en kommentar